Back
Clear
Show/Hide Additional Details
×
Back
Filters List

Clear
}

Display My

News - somaliland today

News Wareeggii koowaad ee xabbad-joojinta Qasa oo natiijo la’aan kusoo dhammaaday

Wareeggii ugu dambeeyay ee wada-hadallada xabbad-joojinta dadban ee u dhexeeyay Israaiil iyo Xamaas ayaa ku dhammaaday natiijo laaan sida uu BBC-da u sheegay sarkaal Falastiini ah oo wax kala socda wada-xaajoodyada. Sida uu sarkaalku sheegay kalfadhigu waxa uu socday ku dhawaad ​​saddex saacadood iyo bar waxaanu ka dhacay laba dhismo oo kala duwan oo ku […]

News Maraykanka oo Jabhad islaami ah oo caan ah ka saaray liiska argagixisada

Maamulka Mareykanka ayaa ka saaray kooxda al-Nusra ee ka dagaalanta dalka Suuriya liiska kooxaha uu u aqoonsan yahay ururro argagixiso sida lagu sheegay qoraal la shaaciyey dhawaan. Jabhat al-Nusra waxaa sidoo kale loo yaqaanaa Xayaat Taxriir al-Shaam ka dib markii hore loogu yeeri jiray garabka Al-Qaacida ee Suuriya. Qoraalka oo ku taariikhaysan 23-kii Juun oo […]

News Ruushka iyo Mali oo kala saxeexday heshiisyo

Wadamada Mali iyo Ruushka ayaa kala saxeexday heshiisyo dhowr ah oo looga gol leeyahay in lagu ballaadhiyo ganacsiga labada dhinac iyo xoojinta xidhiidhka dhaqaale kuwaas oo ay ka mid yihiin ballan qaadka iskaashiga tamarta nukliyeerka sida ku cad faahfaahinta Kremlin-ka. Ku dhawaaqista heshiisyada ayaa yimid xilli uu booqasho ku yimid Moscow hogaamiyaha milatariga Mali Col […]

News Holland oo dib u soo celisay alaab qadiimi ah oo laga xaday boqortooyadii hore ee Nigeria in ka badan 120 sanno ka hor

Holland ayaa si rasmi ah dib ugu soo celisay 119 alaab qadiimi ah oo laga xaday boqortooyadii hore ee Nigeria ee Benin in ka badan 120 sanno ka hor xilligii gumeysiga. Olugbile Holloway oo ah agaasimaha guud ee Komishanka Qaranka Nigeria ee Matxafyada iyo Taallooyinka ayaa Sabtidii sheegay in alaabtan farshaxanka ahi ay yihiin […]

News Elon Musk oo dhawaaqay inuu aasaasay xisbi cusub ka dib khilaafka isaga iyo Turmp

Elon Musk ayaa sheegay inuu bilaabayo xisbi siyaasadeed oo cusub toddobaadyo kaddib markii ay si xun isugu dhaceen Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump. Maalqabeenkan ayaa bartiisa bulshada ee X ee horrey loo oran jiray Twiter kaga dhawaaqay inuu aasaasay xisbi uugu yeedhay (America Party) isagoo tilmaamay inuu caqabada ama tartan adag ku noqonayo nidaamka labada xisbi […]

News Trump oo sheegay in Israa’iil ay oggolaatay shuruudaha ku xidhan xabbad-joojin ka hirgasha Qasa

Israaiil ayaa oggolaatay shuruudaha lagama maarmaanka ah si loo dhammeeyo xabbad joojinta 60-ka maalmood ah ee Trump oo sheegay in Israaiil ay oggolaatay shuruudaha ku xiran xabbad-joojin ka hirgasha Qasa ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka Donald Trump. Inta lagu guda jiro heshiiska la soo jeediyay waxaan la shaqeyn doonnaa dhammaan dhinacyada si loo soo afjaro dagaalka […]

News Ruushka oo aqoonsaday Maamulka Daalibaan ee dalka Afganistan

Ruushka ayaa noqday waddankii ugu horreeyay ee aqoonsada xukuumadda Taliban ee Afgaanistaan ​​tan iyo markii ay xukunka la wareegeen 2021kadib markii Ruushka aqbaleen safiir ka socda xukuumada Afganistan.Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Ruushka Andrey Rudenko ayaa ka guddoomay warqadaha aqoonsiga danjiranimo safiirka cusub ee dowlada Afganistan Gul Hassan Hassan. Waxaan aaminsanahay in ficilka aqoonsiga rasmiga […]

News IRAN oo ku hanjabtey inay khaarajin doonto Raysal Wasaaraha Israa’iil hadduu weerar dambe soo qaado.

Taliyaha militariga Iiraan ayaa wacad ku maray in uu aargoosi curyaamin haddii ay Israaiil markale isku daydo weerar ka dhan ah dalkiisa isagoo wacad ku maray inuusan xitaa Maraykanku badbaadin doonin Raiisul wasaaraha Israaiil kaas oo amray dagaalkii Tel Aviv ee dhawaan ka dhanka ah Jamhuuriyadda Islaamiga ah. Isagoo ka hadlayay xaflad ka dhacday caasimadda […]

Xamaas oo kala tashanaysa kooxaha Falastiiniyiinta xabbad joojinta Gaza News

Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa sheegtay inay kala tashanayso dhinacyo kala duwan oo falastiiniyiin ah hindisahii ugu dambeeyay ee xabbad joojinta Gaza iyadoo duqeymaha aan kala joogsiga lahayn ee Israaiil ay ku hayso Gaza ay gashay bishii 22-aad. Bayaan ay soo saartay Jimcihii Xamaas waxay ku sheegtay inay wadahadal la gashay hogaamiyeyaasha ciidamada Falastiiniyiinta iyo […]

News Ciidamada Pakistan ayaa sheegay in ay dileen 30 dagaalyahan oo isku dayay in ay ka gudbaan xadka Afghanistan

Islamabad ayaa Hindiya ku eedaysay inay taageerto kooxaha weerarada ka geysta Pakistan arrintaas oo India ay beenisay.Ciidamada Pakistan ayaa sheegay in ay dileen 30 dagaalyahan oo isku dayay in ay ka soo gudbaan xadka Afgaanistaan maalmo uun ka dib markii weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay isla gobolka lagu dilay 16 askari oo Pakistani ah. […]